Ogaysiis ku saabsan xifdinta xogta HMIS ee Manasota
Ogaysiis ku saabsan xifdinta xogta HMIS ee Manasota
Shakhsiyaadka aan u adeegno waxaan xogahooda gaarka ah ku kaydinaa sistem kombuyutareed lagu magacaabo HMIS-ka Manasota oo laga soo gaabiyay (Sistemka lagu maareeyo macluumaadka dadka darbi jiifka ah ama aan hoy lahayn). In badan oo kamid ah wakaaladaha u adeega bulshada ayaa isticmaala sistam kumbuyutareedkan oo ay kamid yihiin wakaalada wacyigalinta/gaarida darbi jiifka, hoyga, iyo baramijka guryaynta.
Maxay tahay sababta aan u aruurino xogtan?
• Si aan ucaawino sii socodka barnamijkan iyo barnamijyada ▇▇▇▇ ▇▇ la midka ah. Waxaa nalooga baahanayahey inaan isticmaalno HMIS.
• Si aan u ogaano tirada dadka aan u adeegno iyo noocyada dadka ay u adeegto wakaaladeena iyo dalka.
• Si aan ufahano dhamaan baahiyaha dadku ay qabaan iyo si aan u qorshayno adeegyada ay ubaahanyihiin si loo kaafiyo baahiyahaas.
Yaa ▇▇▇▇ ▇▇▇▇ macluumaadka ku kaydsan sistamka HMIS Manasota?
• Dadka ushaqeeya wakaaladan ayaa u isticmaali ▇▇▇▇▇▇ inay ugu adeegaan adiga ama qoyskaaga.
• Wakaaladaha kale sida wakaaladan kuwaasoo bixiya adeegyadan oo kale islamarkaana adiga kaa haysta fasax ay ku arkaan maclumaadkaaga. Waxaa laga yaabaa inay isbedbedalaan wakaaladaha isticmaala sistamka HMIS Manasota. Hadii aad codsato waad heli kartaa nuqul kamid ah wakaaladaha isticmaala sistamka.
• Dabagalayaasha ama deeqbixiyayaasha kuwaasoo sharciyan awood u leh inay dabo galaan shaqada wakaaladan, sida waaxda guryaynta iyo hormarinta magaalada iyo wakaaladaha kale ▇▇ ▇▇▇▇ federaal ama heer mamul goboleed.
• Wakaaladaha maamula, maareeya ama ku shaqeeya sistamka, sida machadka iskaashiga bulshada, ama maamulayaasha nidaamka deegaanka. Marka ay wakaaladahani ku shaqeeyaan sistamka, waxaa laga yaabaa inay maclumaadkaaga arkaan.
• Dadka u isticmaala macluumaadkan si ay usameeyaan cilmi baaris oo ay uqoraan warbixino lagu hormarinayo guryaynta, adeegyada darbijiifka, iyo adeegyada ▇▇▇▇ ▇▇ bulshada, oo ay kamid yihiin, laakin aysan ku koobnayn, Waaxdaha adeegayada bulshada ee Manasoota (DHS). Macluumaadka sida gaarka laguugu ogaan karo kama muuqan doonaan warbixinada cilmi baarista.
• Sharcigu wuxuu na farayaa inaan warbixin ka gudbino tacadiyada jireeda ama kuwa galmada ▇▇ ▇▇▇▇▇▇ kaco caruurta iyo dadka waa wayn ee tabarta yar. Hadii aan umalayno inuu tacadi ama dayac ka jiro qoyskaaga, waxaan ku wargalinaynaa wakaalda ilaalinta xuquqda caruurta ama dadka waa wayn.
• Waxaa laga yaabaa inaan gudbino macluumaadkaaga si aan udifaacno caafimaadka ama amniga adiga iyo dadka kaleba sida sharcigu na farayo.
• Waxyaabaha ▇▇▇▇ ▇▇ sharcigu dalbanayo, sida sarakiisha haysta ogolaansho sharciyaysan ama amar maxkamadeed.
Uma isticmaali doono macluumaadkaaga waxyaabo kale ilaa inaad adigu si qoraal ah noogu fasaxdo maahane.
Sidee ayaa xogahaaga khaaska ▇▇ ▇▇▇ ilaaliyaa?
• Dhamaan isticmaalayaasha xogta waa inay saxiixaan heshiis lagu ilaalinayo xogtaada oo ay u hogaansamaan sharciyadaas si waafaqsan shuruucda heer federaal iyo heer maamul goboleed kahor inta aysan ▇▇▇▇▇ wax macluumaad ah.
• Barnaamij kombuyutareedka loo isticmaalo adeegyadan waxa uu gaarsiisanayahay baratakoolka amniga ee looga baahnaa shirkadaha noocaan ah, oo waa la cusboonaysiiyaa si loo gaaro shuruudaha amni ▇▇ ▇▇ ▇▇▇▇▇ baahanyahay.
Waa maxay xuquuqdaadu?
• Hadii aadan ▇▇▇▇▇ in HMIS la galiyo magacaaga, lambarka soshiyalkaga sukuradkaaga, ama taariikhda dhalashadaada, usheeg xog qaadaha. Wakaaladani kaama diidayso inay kaa caawiso inaad xogtan bixinteeda diido. Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in shuruucda Dowlada federaalka ama maamul goboleedku uu xadadayo xog uruurtinta arimo la xiiriira deeqaha awgood.
• Waxaad xaq uleedahay inaad codsato nuqul kamid ah macluumaadkaaga ku jira kaydka MHIS ee Manasoota.
• Waxaad xaq uleedahay inaad saxdo khaladaadka ka jira macluumaadkaaga ku jira HMIS.
• Hadii aad umalayso in wakaaladan ama HMIS Manasoota ay ku xad gudubtay xuquuqda ilaalinta xogtaada, waxaad xaq uleedahay inaad ka gudbiso cabasho ama dacwo. Waydiiso qof kamid ah shaqaalaha, warqada gudbinta cabashada ama dacwada.
Gudbinta macluumaadka ee HMIS Manasota
Loogu talagalay:
Daabac magaca kobad, labad, iyo sedexad (qofkasta ubuxi warqad ▇▇▇▇ ▇▇) Taariikhda Dhalashada
Xogtaada shakhsiyeed waxa lagu kaydin donaa sistamka HMIS Manasota, oo ogolaanshahaaga, ayaa lagula wadaagi doonaa adeeg bixiyayaasha kale/wakaaladaha darbi jiifka. Hadii aadan ufasaxin wakaaladan inay macluumaadkaaga wadaagto, macluumaadkaaga ma isticmaali doonto wakaalad kale oo katirsan shabakada.
Maxay tahay sababta aad uwadaagayso macluumaadka?
• Wadaagu wuxuu yareeyaa wakthtiga ay qaadato ka jawaabista su'aalaha aasaaska ah ee ku saabsan xaaladaada.
• Wadaagu wuxuu u ogolaanayaa wakaaladaha inay diirada saaraan inay si dhakhsa ah u kaafiyaan baahiyahaaga gaarka ah.
• Wadaagu wuxuu ufududeeyaa wakaalado badan inay adiga ama qoyskaaga isugu kiin duwaan adeega guryaynta.
Macluumaadkee ayaa la wadaagi doontaa? Waxyaabaha ay kamidka yihiim, laakiin aan ku kobnayn:
• Macluumaadka qoyska
• Magaca, taariikhda dhalasha, lambarka soshiyal sukuradka
• Jinsiga, qolada,
• Sababta aad adeega urabto
• Marxalada noloshaada iyo taariikhda guryaynta
• Adeegyada aad heshay
• Inaad darbi jiif tahay iyo in kale
• Dakhligaaga iyo halka aad ka hesho
• Caawimada aad dowlada ka hesho
Fadlan sax✓ saar sanduuqa:
• Taariikhda rabshada qoyska
• Taariikhda waxbarashada
• Macluumaadka shaqada
• Taariikhda militariga
• Macluumaadka caafimaadka, oo ay kamid yihiin caafimaadka jireed, aydhiska, caafimaadka hab dhaqanka
• Taariikhda danbiga
• Macluumadka ▇▇▇▇ ▇▇ ku saabsan noloshaada si loo go'aamiiyo uqalmida barnaamijka
🞎 WADAAGA: Waxaan ogolaaday in wakaaladaha kale lala wadaago macluumaadkayga lagu kaydiyay sistamka HMIS Manasota si loo hormariyo adeegyada loo qabanayo aniga iyo dadka kale.
🞎 HALA WADAAGIN: Ma rabo in adeeg bixiyayaal kale/wakaaladaha darbi jiifka lala wadaago macluumaadkayga ku kaydsan HMIS Manasota. Waxaan fahamsanahey in diidmada in macluumaadkayga la wadaago aan diiday ay saamayn ku yeelan karto ▇▇▇▇▇▇ ▇▇▇▇▇▇ adeegyadayda.
Markaad saxiixdo warqadan, waxay muujinaysaa inaad fahamtey waxyaabaha soo socda.
• Kuuma diidayno inaan ku caawino hadii aad diido inaad macluumaadkaaga shakhsiyeed nala wadaagto. Isla markaa wadaaga macluumaadku ma ▇▇▇▇▇ qaadayo inaad caawinaad heli doonto.
• Hadii aad noo ogolaato inaan macluumaadkaaga isticmaalno, ogolaanshahaasi waa uu shaqaynayaa ilaa aad adigu ka joojiso.
• Haii aad noo ogolaato inaan macluumaadkaaga isticmaalno, waxaad ▇▇▇▇▇▇ kartaa go'aankaaga oo markasta waad joojin kartaa ogolaanshahaas. Hadii aad joojiso ogolaanshahan, mar danbe ma wadaagi doono macluumaadkaaga laga bilaabo taariikhdaas.
SAXIIXA MACMIILKA AMA WAKIILKA TAARIIKHDA Saxiixa wakaalada markhati Taariikhda
Ogolaanshaha in macluumaadka HMIS Manasota loo isticmaalo cilmi baaris Fadlan sax ✓▇▇▇▇ ▇▇▇ mid
❑ Haa u isticmaal cilmi baaris Waxaan fahamsanahay in macluumaadkayga kujira sistamka HMIS Manasota laga yaabo in loo isticmaalo cilmi baaris la xariirta darbi jiifka iyo barnaamijyada guryaynta, baahida adeegyada, caawinta dakhliga, waxbarashada iyo shaqaalaysiinta iyo hufnaanta mashruuca. Magacayga, lambarka soshiyal sukuradkayga iyo macluumaadka ▇▇▇▇ ▇▇ la igu garan karo waligood kama muuqdan doonaan warbixinada cilmi baarista.
❑ Maya ha u isticmaalin cimi baarista. Ma rabo in macluumaadkayga cilmi baarista loo isticmaalo.
🞏 Fadlan sida midayda lamid ah ula dhaqan macluumaadka caruurtayda jira 17 iyo wixii ka yar.
